Madaxweynaha oo la kulmay baarlamanka Galmudug uguna baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo la kulmay baarlamanka Galmudug uguna baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley xarunta madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug.

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa mar kale ugu hambalyeeyay baarlamanka Galmudug hawsha wanaagsan ee ay dhowaan qabteen oo qeyb ka ah barnaamijka baahinta xukunka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka shaqeysaan caddaaladda, horumarka iyo dhammeystirka maamulka. Dowladda waxay taageereysaa dhammaan baarlamannada maamullada dalka ka jira, si dalku u gaaro horumar iyo barwaaqo waarta’’.

Kulankaasi waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug Cali Gacal Casir iyo mas’uuliyiin kale.Galmudug-3

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!