Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maalmahaan ku jiray la tashi ku saabsan soo magacaabista Raysul Wasaare Cusub ayaa la filayaa inuu waqtiyada soo socda ku dhawaaqo mas’uulkii buuxi lahaa booskaas, kadib markii R/wasaarihii hore Saacid uu kalsoonida ka waayey baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa wada sheekeysi la qaatay xubno dhowr ah oo soo gudbiyay codsiyada ah in loo magacaabo R/wasaare, iyadoo mus’uul kasta fursad loo siiyey inuu madaxweynaha la hadlo muddo ka yar hal saac.
Dadka la hadal hayo waxaa ka mid ah siyaasiga C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid noqday xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Xuseen Cabdi Xalane wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumaddii farmaajo iyo Nuuradiin Adam Diiriye, oo hadda ah la taliyaha Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Lama oga goorta magacaabisu dhici doonto, waxaase loo badinayaa ineysa maalmo badan qaadan doonin.
Mareeg.com