Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo kulamo la qaatey qeybaha bulshada ee magaalada Baydhab

(Villa Somalia)—-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ku guda jira kulamadii u la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada degaannadaasi.

bay

bay2

bay3

baydhabo

baydho

Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa uu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta.

Madaxweynaha ayaa qeybahaasi u la kulmay uga warbixiyey hannaanka dhismaha Soomaaliyada cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar dalku uu ku tallaabsado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu qeybahani kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ugu baaqey inay gacan weyn ka geystaan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo sal u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo isku tashan kara.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daah-furnaan ku shaqeeyaan.

———————————-DHAMMAAD————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!