Madaxweynaha oo ku laabtay Muqdisho iyo Isbadello dheeraad ah oo la filayo

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo soo gaabiyey safar uu ku tegay dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta hadal kooban ku siiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna markale cambaareeyey weerarkii shalay Alshabaab ku qaadeen xarrunta golaha shacabka.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in dagaalka haatan Alshabaab ku jiraan yahay rafashadii ugu dambeysay sida uu yiri, wuxuuna xusay in weerarkii ay ku qaadeen baarlamaanka uu yahay mid umadda Soomaaliyeed ka helayaan midnimo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in uu soo dhaweenayo is-casilaada Wasiirka, waxa uuna sheegay in Wasiirku isagu gartay in uu iscasilo.

Madaxweyne Xasan oo xalay isagoo ku sugan Koonfur Afrika sheegay in shacaka Soomaaliyeed maqli doono isbadel ayaa laga sugayaa tilaabooyinka u qaadi doono, iyadoo isbadelku ku bilowday is-casilaada wasiirka amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa wasiirka Amniga qaranka ee isagu xalay baaqeennii siabdelkii si iskiisa ah uga jawaabay, waana tilaabo geesinimo leh” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa jira warar ku-tiri-kuteen ah oo sheegaya in laga yaabo iney is-casilaan madax cusub oo ka tirsan laamaha amaanka ama xilalka laqga qaado.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245