Madaxweynaha Oo Ku Ammaanay Dowlad Gobolleedka K/Galbeed Dhameeystirka Doorashooyinka Golaha Shacabka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Oo Ku Ammaanay Dowlad Gobolleedka K/Galbeed Dhameeystirka Doorashooyinka Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed oo soo dhameeystiray 69-ka da xildhibaan ee doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu dootay Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Baydhabo ay u qabsoomeen si xasilooni iyo dimuqraadiyad ku dheehan tahay .

Madaxweynaha ayaa ammaan iyo mahad-celin u jeedinaya Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo guulo ka gaaray doorashooyinka loo qondeeyey ee Golaha Shacabka islamarkana noqday Dowlad Gobolleedkii Labaad ee dhameystira doorashooyinka Golaha Shacabka.

Madaweynaha, wuxuu ugu baaqayaa Guddiyada Dorashooyinka Dadban iyo Dowlad Gobolleedyada harsan in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

— Dhamaad—-

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.s

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!