Madaxweynaha oo kormeeray xero ciidan oo ku taala duleedka Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo kormeeray xero ciidan oo ku taala duleedka Kismaayo

Kismaayo, 06 December 2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada Qaranka ee Qeybta 43-aad ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada uu madaxwaynuhu booqday, ayaa wuxuu tababar uga socdaa duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha, ayaa khudbad uu u jeediyey ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qaybtan 43-aad, wuxuu ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaallo kooxaha Nabad-Diidka ah ay kaga xorreeyeen degaanno ka tirsan Jubbaland.

Sidoo kale Madaweynaha, ayaa sheegay in dhammaan ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan gobollada Soomaaliya ay degaanno badan ka sifeeyeen kooxaha Nabad-Diidka, islamarkaana degaanno kale wali ay ku baacsanayaan.

” Waxaa waajib idinka saaran yahay difaaca dalka iyo inaad ka xorreysaan kooxaha Nabad-Diidka meelaha ay ka joogaan degaannada Jubbland, xaq ayaad ku dagaallameysaan, idinka ayaana guuleysanaya sida haddaba aad guulo badan u gaarteen” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.xooga_kismanyo

Madaxweynaha, ayaa u sheegay in afartiii sanno ee la soo dhaafay ay dowladda Soomaaliya ahmiyadda koowaad siisay ciidamada qalabka-sida, isla markaana horumar iyo guulo badan oo dhanka dhismaha iyo daryeelka ciidamada la gaaray, wax badanna daruufaha jira darteed ay u saamixi waayeen.xiro_kismanyo madaxweyne_ciidan

Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu u ballan-qaaday dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee qalabka-sida, haddii afarta sanno ee soo socota Allaah mar kale ku guuleeyo hogaamina dalka, in uu mar kale ahmiyadda koowaad siinayo amniga si ciidamada loo gaarsiiyo heerkii looga baahnaa in uu gaaro ciidan Qaran, oo xuquuqdooda oo dhan u dhamays tiran yihiin. ciidan_tababar
-Dhammaad-

Shador Haji Mohamud

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!