Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Marxuum Dr Xuseen Tanzaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Dr Xuseen Maxamed Aadan ( Xuseen Tanzaaniya) oo ku geeriyooday dalka Mareynkanka.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Dr Xuseen Maxamed Aadan.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun , Allaah jannadii Fardoowsa haka waraabiyo Marxuum Dr Xuseen Maxamed Aadan, wuxuu ahaa shaqsi karti dheeraad ah leh oo hormuud u ahaa cilmi-baare daraasaad badan ka sameeyey Soomaaliya iyo qaaradda Afrika, wuxuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii badbaadiyey inaysan lumin taariikhda soo jireenka ah ee Soomaalida” ayuu yiri Madaxweynaha.

——Dhammaad—

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia