Madaxweynaha oo ka tacsideeyey geeridii Danjirihii Somalia uga wakiilka ahaa dalka Masar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo ka tacsideeyey geeridii Danjirihii Somalia uga wakiilka ahaa dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi diray shacabka ,qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar.

 

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayey Qaranka muddadii burburka aan ku jirney”.

 

Madaxweynaha waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira, waxaana uu muddo dheer ka mid ahaa diblomaasiyiinta udub dhexaadka u ahaa xiriirka Soomaaliya iyo waddamada Carabta.

 

Dhinaca kale, Allaha U Naxariistee Ambassador Abdullahi Hassan Mohamoud  waxa uu  ahaa  Wakiilka Joogtadda ee Somalia ee Ururka Jaamacadda Carabta.

 

Allaha U Naxariistee, Danjiruhu waxa uu xilkaasi hayey tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka ee sannadkii 1991-kii, wuxuuna ahaa Diplomaasi Waddani  oo kaalin fiican ka soo qaatay xoojinta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo dalalka Carabta.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!