MADAXWEYNAHA OO HADA KU SUGAN DEKADA MUQDISHO

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada ku sugan Dekada Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kulan kula qaadanayo madaxda dekada magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan bogaan Mareeg oo qeyb ka ah Wariyeyaasha la socda Madaxweynaha ayaa soo sheegaya in hada Madaxweynaha uu kulan kula leeyahay Dekada Muqdisho masuuliyiinta dekadaasi.

Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dekada Magaalada Muqdisho.

Kahor inta uusan tagin Dekada Magaalada Muqdisho Madaxweynaha iyio wafdigiisa ayaa waxa ay tageen Iskuulka Hoose dhexe iyio Sare ee Degmada Xamar jajab halkaasi oo uu ku gacan qaaday qaar kamid ah ardayda.

Wuxuu halkaasi ka sheegay in Dowladiisa ay dar-dareglinayso Barnaamijka Aada Dugisyada.
17002