Madaxweynaha oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn.

Beledweyn, 22 December 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban labad gole ee Dowladda federaalka ayaa manta soo gaaray magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan, Odayaasha gobolka iyo qaar ka mid ah dadweynaha magaaladda ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha ee magaalada Beledweyn islamarkaana Madaxweynaha kulan kula qaatay gudaha magaaladda odayaal dhaqameedka iyo ururada bulshadda.

Madaxweynaha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeedda isaga iyo wafdigiisu u yimaadeen magaaladda Beledweyn inay tahay u kuur-gelida xaaladahii ugu dambeeyey ee magaaladda Beledweyn iyo latashiyo uu la yeelan doono bulshadda gobolka.

” Waxaan rabaaa in aan aad iyo aad ugu mahad-celiyo odayaasha dhaqanka ee ku baxay xalinta khilaafkii dadka walaalaha ah ku dhaxmaray magaaladda Beledweyn , gacanna ku siiyey dowladda federaalka in heshiis laga gaaro colaadii dhacday” ayuu yiri Madaxwynaha,

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan kaloo rabaa in qofkii qof dila aanan la dhihin heer hebel ayaa heer hebel dilay hayeeshee la yiraahdo gacan ku dhiigle hebel ayaa dilay qof hebel , dowladdana gacanta ayey ku soo dhigi goontaa.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo caawa ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ayaa kulamo gaar gaar ah la leh Maamulka gobolka iyo kan degmadda Beledweyn , siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo bulshadda qeybaheeda kala duwan.

DHAMMAAD

Shador Haji
Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya
E-mail; shadorhaji@presidency.gov.so

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!