Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga+Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga+Sawirro

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee mgaaalada Muqdisho.

Salaadda kaddib madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mdune Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa boqolaal dadweynaha salaadda ka soo qeyb-galay u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay ammuuraha amniga iyo dedaallada dowladda ee dhinaca doorashooyinka ku aaddan.

Madaxweynaha, ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummadaha Islaamka munaasabadda Ciiddul Fidriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dheeraadey ka haddalka marxaladda amni ee dalka iyo dagaalka lagula jira nabad-diidka, ayaa sheegay in shacabiga Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ilaaliyaan dadka, dalka iyo Diinta, isagoo ca,baareeyay argagixisadii weerarka ku qaaddey Masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nabi Muxamed (NNKH).

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in dowladda ay ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa kuwa diiddan jiritaanka Diinta iyo dadnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo haddal qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkaan, waxa uu sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu cabiri doono horumarka ay Soomaaliya gaartay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u dhabar adeeygaan sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen, dowladda Soomaaliyana ay wax walb u huri doonto sidii dalka xasilooni loogu soo dabaali lahaa, isagoo dalka ugu duceeyey in Alle uu gaarsiiyo horumar ka weyn midka sannadkaan la gaaray.ciidciid2ciid3

madaxweynaha soomaaliya xasan sheeq oo salaada ciida ka dib masjidka isbahaysiga shacabka kula hadlay

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!