Madaxweynaha oo boqolaal ruux salaada Ciida kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo boqolaal ruux salaada Ciida kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga (Sawirro)

ciida-8Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qeybgaley salaadda Ciidul Fidriga oo ka dhacdey Masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo dhanka kalena ku booriyay in la adkeeyo midnimada iyo is jaceylka bulshada dhexdeeda.

 

“Muhimadda koowaad ee shacabka iyo dalka waa amni, si aan amni buuxda u helno waxaa khasab ah inaan si wadajir ah dhibaatadaasi u wajahno. Ilaahay wuxuu inoo fidinayaa naxariis iyo kheyr haddii aan isku duubnaano, oo aan mid noqono. Aan ilaahay dartii isku cafino, ugana shaqeyno midnimada dadkeena.Waxaa kale oo muhiim ah inaan sharciga ilaalino, dowladnimadana taageerno si waddankeena uu horumar u gaaro, dibna aan usoo ceshano maqaamkii sharafka lahaa ee aan caalamka ku lahayn,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda jooga inay waddanka maalgashadaan, si dalka u gaaro dib u so kabasho dhaqaale, shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maliishiyada kooxda Al Shabaab ugu baaqey inay ka faa’ideystaan fursadda weli furan ee cafiska dowladda, si ay shacabkooda dib ugu soo biiraan.

 

Salaadda Ciidul Fidriga ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

 

Intaasi kadib Madaxweynaha waxaa uu gurigiisa xaflad kooban ugu qabtey mas’uuliyiinta dowladda iyo labada gole.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!