Madaxweynaha Oo Bogaadiyey Doorashooyinka Gobollada Woqooyi Ee Muqdisho Ka Billowday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Oo Bogaadiyey Doorashooyinka Gobollada Woqooyi Ee Muqdisho Ka Billowday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Guddiyada Doorashooyinka Dadban, Madaxda Dhaqanka Gobollada Woqooyi , Ergooyinka Gobollada Woqooyi doorashada Golaha Shacabka oo maalintii shalay ka billowday magaalada Muqdisho.

“ Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka billowday ee Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida dhammaan ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan Tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wada-jir ah ugu diyaarsan horu-socod iyo u bislaashiyaha dowladnimada iyo raadinta midnimada Qarannimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya , wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo ku guuleystay in doorashooyinka Golaha Shacabka in ay qabsoomaan in ka badan intooda badan.

Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha Gobollada Woqooyi , Guddiyada Doorahsooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Kan Gobollada Woqooyi inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Madaxweynaha ayaa ka digaya fara-gelin lagu sameeyo guddiyada badaxa banaan ee Doorashooyinka Dadban, wuxuuna ku baaqayaa inla ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horrey loogu heshiiyey lagana fogaado wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanaya Shacabka, ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in la soo gaaro maanta, in heer gaba-gaba ah ay marayaan Doorashooyinka Dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

—-DHAMAAD——

Shador Haji Mohamud
Agaasimaha Warbaahinta
Madaxtooyada JF Soomaaliya
shadorhaji@presidency.gov.so

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!