Madaxweynaha maamulka Puntland oo xariga ka jaray dhismaha garoonka Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha maamulka Puntland oo xariga ka jaray dhismaha garoonka Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-12-2014 si rasmi ah u dhagax dhigay mashruuca dhismaha Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso.

Xaflad balaaran oo loo qabtay dhagax dhiga kana dhacday gudaha Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Waxgarad, Aqoonyahano, Safiirka Dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya

Madax ka socotay hay’ada UNOPS iyo madaxda shirkada dhisaysa garoonka ee CCECC, wafdi ka socday dawladda Jabuuti, xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland iyo Baarlamaanka Dawladda Federaalka soomaaliya, madax ka socotay beesha caalamka iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer oo taariikhi ah ka jeediyey madasha ayaa sheegay in maanta ay si habsami leh u bilaabanayso dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso kaasi oo laga dhigayo mid caalami ah oo la jaanqaada Garoomada diyaaradeed ee ku yaala Dalalka caalamka.

‘’Dadka Puntland horumarka ay ka istaahilaan dawladooda inay helaan ayaan rajeynayaa in sha allah, wadanku haduusan lahayn kaabayaal dhaqaale horumarka aan u baahanhay in aan gaarno ma helayno’’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Qofka kuu imaanaya marka hore waxa uu eegayaa badeecadiisa halka uu ka dhoofsanayo, see wadanka ku imaanaya jidkee maraya waxaan u baahanahay marka in aan u abuurno ganacsatadeena awoodi ay ku maal gashan lahaayen dalka’’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Sidookale wa in aan qurbo joogteena u keeno,walaalaheena dariska ah ay nagu maalgashadaan kambaniyo caalami ah aan ku keeno kagana faa iidaysano kheyraadkeena say u soo saari lahaayen, kalluunkeena ,xoolaheena ,macdanteena iyo shidaalkeena‘’ Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

‘’Macdanteena ma maalgashan karno hadaan jid haysan ,kalluun ma maalgashaneen hadaana haysan dakedii laga dhoofin lahaa oo xoog weyn iyo airaporkii laga dhoofin lahaa aargoosatadeena’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waa inaan abuurnaa jawigii abuuri lahaa nabad gelyada sababtoo ah hadaadan nabad heysan cidna kuu imaan mayso ,garoon diyaaradeed baan dhisanaynaa reer Boosaaso iyo reer puntland dhammaantood waxaan ka rabnaa nimanka walaalaheena ee noo yimi oo 24-ka saac shaqaynaya in soo dhaweynta ugu fiican naga helaan nabad gelyada ugu wanaagsan ay naga helaan‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Puntland ayey maanta u tahay maalin taariikhi ah maadama si rasmi ah uu Mdaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas u dhagax dhigay mashruuca dhismaha Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso,waxana ay maanta noqonaysaa maalin kamid ah maalmaha ku weyn umadda reer Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!