Madaxweynaha maamulka Puntland oo u safray dalka Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha maamulka Puntland oo u safray dalka Itoobiya

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Adis Ababa ee xaruunta dalka Itoobiya.

Waxaa Gaas safarka uu ku aaday Itoobiya ku wehlinaya wasiirada wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta iyo taliyaha guud ee ciidamada Gen. Siciid Dheere.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, wuxuu ku sheegay inuu socdaal rasmi ah ku tegayo Itoobiy, kaasoo la xiriirka arrimaha ganacsiga, siyaasadda iyo wada shaqaynta labada dhinac.

“Qorshaha safarkeena waa dalka Itoobiya oo aan casumaad ka helnay, ma jiro meel kale oo noo qorshaysan” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garowe.

Waa booqashadii ugu horreysay ee C/weli Gaas ku tago Itoobiya tan iyo markii 8-dii Janaayo 2014 loo doortay madaxweynaha maamul hoosaadka Puntland.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!