Madaxweynaha maamulka Puntland oo u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha maamulka Puntland oo u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shir jaraa’id oo uu garoonka ku qabtay madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in dalka Jabuuti ay ku tegayaan booqasho rasmi ah, wuxuu intaas ku daray in safarku yahay mid gaaban oo saddex maalmood qaadan doona.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadaneyso dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta.

Wuxuu sheegay inay Jabuuti ciidamo u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab si Soomaaliya ay nabad u hesho.

Waa socdaalkii 2-aad ee madaxweynaha Puntland ku tegayo dibeda tan iyo markii la doortay 90 maalmood ka hor, waana booqashadii 1-aad ee ee uu Jabuuti ku tago isagoo madaxweyne ah.

Dr. Gaas ayaa toddobaad ka hor ka soo noqday safar maalmo qaatay oo uu ku gaaray dalka Itoobiya oo uu kula soo kulamay madaxda ugu sarreysa dalkaas.

Maree Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!