Madaxweynaha maamulka Puntland oo u ambabaxay Itoobiya

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, isagoo kusii jeeda dalka Itoobiya.

Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyay wasiirka amniga Puntland, Xassan Cismaan Aloore iyo wasiirka waxbaarshada Cali Xaaji Warsame.

C/weli Gaas oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaraha Gaalkacyo ayaa sheegay inuu Adisababa kaga qaybgali doono shir heer Caalami ah, kaasi oo ay kaso qayb galayaan madax kala duwan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay booqasho ku kala bixinayey degmooyin hoosta gobolka Mudug.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245