Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la kulmay Raysul Wasaaraha Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la kulmay Raysul Wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Tedros Adhanom ayaa joogay iyo diblumaasiyiin, waxana Madaxweyne Gaas wehelinayay wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland, taliyaha ciidamada iyo saraakiisha Madaxtoyada.

Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland dalka Ethiopia, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiririka nabadgelyo midka ganacsiga iyo weliba kan siyaasadeed ee soo jireenka ah.

Labada dhinaci waxay isla qaateen in khatarta ugu wayn Geeska Afrika ay tahay kooxda Al-shabaab, waxana la isla meel dhigay in si wadajir ah loogu kaco dagaalkooda iyadoona lagu heshiiyay xiriirka nabadgelyo inuu noqdo mar weliba mid joogto ah.

Horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac gaar ahaan dhinacyada tababaradda iyo kor u qaadidada tayada hay’adaha dowliga ah ayaa sidoo kale kulankan labada masuul uga wada hadleen.

Gaas ayaa horay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya, Tedros Adhanom, wasiirka gaashaandhiga Ethiopia Siraj Fagessa iyo taliyaha guud taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Ethiopia Gen. Maxamed Yonis Samora iyo sarakiisha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuuliyinta gaashaandhiga Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo ee u dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay taageero uga heli lahaayeen Ethiopia ku aadan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab oo fariisin ka dhigatay buuraleyda Galgala.

Cabdiweli Gaas ayaa u gudbiyay saraakiisha Ethiopia baahida Puntland u qabto in ciidanka loo qalabeeyo islamarkaasina tababaro dheeraad ah loo fidiyo, waxana uu uga mahadceshay taageeradda iyo dadaalada ay ku baxshaan nabad waarta oo ka dhalata Somalia.

Ethiopia waxay u balanqaaday Puntland taageero Militeri iyo wada-shaqeyn dhow inay yeeshaan labada dhinac si wadajir dagaal loogu qaado kooxda Al-shabaab oo qaybo badan oo ka mida Koonfurta dalka laga soo saaray.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa u kicitimi doona xarunta dowlad deegaanka Somaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaasi oo casumaad uu ka helay madaxweynuhu dhigiisa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!