Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ku Laabtay Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ku Laabtay Garowe

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigiisa oo Muqdihso uga qeybgalay aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa dib ugu laabtay galabta magaalada Garowe.

Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire, Wasiiro iyo taliyaasha ciidamada.

Wefdiga Gaas oo xalay ku hoyday Muqdisho ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, masuuliyin hore oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse iyo Issimada soo jireenka.

Gaas ayaa shalay si lama filaan ciidamo kala soo dageen diyaaradii uu la socday, iyadoo saaka ciidamadiisa gaarka ah loo diiday iney garoonka Aadan Cadde galaan goortii lasoo dejinayey meydka C/risaaq Xaaji Xuseen.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!