Madaxweynaha Maamulka Puntlad Gaas Oo U Ambabaxay Muqdisho

Garowe – Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa saakayu anbo baxay magalada Muqdisho si uu uga qayb galo aaska qaran ee loo samaynayo Raysul wasaarihii hore ee Somalia C/risaaq Xaaji Xuseen oo Maraykanka ku geeriyooday, lagana soo qaaday.

C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa socdaalkiisa Muqdisho ku weheliya, wasiiro, xildhibaano iyo Isimo reer Puntland ah.

Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda Puntland Cawil Xasan Daad ayaa sheegay wafdiga madaxwaynaha uu hoggaaminayo inay ka qayb galayaan aaska allaha u naxariistee loo samaynayo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Maydka Marxuub Cabdirisaaq ayaa laga soo duuliyay dalka Maraykanka waxaana lagu wadaa in laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245