Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay dib ugu laabtay wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga maanta gaaray Magaalad Baydhabo ayaa waxaa hogaaminaayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay guulaha safarkii uu ku tagay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka iyo doorashooyinka Aqalka Hoose ee dhawaan ka bilowday Magaalada Baydhabo.

“Waxaan mudooyinkii dambe safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya, waxaan soo dhaweynayaa doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaan ugu baaqayaa kuwii la doortay in ay kasoo baxaan shaqooyinkii loo doortay, kuwa dhimana waxaan u rajeynayaa in ay ku guuleystaan xilalka ay doonayaan”, ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maalmahaan safar ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!