Madaxweynaha maamulka Juba, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamlukaas ayaa wafdiga Shariif Xasan kusoo dhaweeyay Kismaayo.
Shariif Xasan ayaa l sheegay inuu doonayo Iskaashi uu la sameeyo maamulka Juba, maadaama ay labada maamul yihiin soohdin wadaag.
Booqashada Shariif Xasan oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago Kismaayo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Maamulka Juba ayaa horay u taageeray doorashada Shariif Xasan, maadaama uu qabay in maamulka Koonfur Galbeed ku koobnaado gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Shariif Xasan oo horay uga tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka ayaa loo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed loo doortay 17-kii bishii hore ee November ee sanadkan, kaddib muran iyo buuq badan oo sameynta maamulkan ka dhashay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.