Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Maamulka KG oo gaaray Diinsoor

28

Wafdi  uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Balkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada socdaalka wafdigan madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) oo ay kamid yihiin xubno isugu jira xeer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ah sidii uu halkaasi uga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!