Madaxweynaha maamulka Galmudug oo magacaabay gole 12 wasiir ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo magacaabay gole 12 wasiir ah

Gaalkacyo – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa manta soo magacaabay gole wasiiro oo cusub kadib markii bilowgii bishaan April uu kala diray golihii wasiirada maamulkaas.

Afhayeenka maamulka Galmudug, Feysal Cabdi Jimcaale ayaa maanta magaalada Gaalkacyo warbaahinta ugu akhriyey 12 wasiir oo uu soo magacaabay Cabdi Qeybdiid, kuwaasoo badelaya wasiiradii hore ee waxqabad la’aanta lagu eedeeyey.

Xubnaha wasiirada uu magacaabay Cabdi Qeybdiid ayaa kala ah:

1-Maxamuud Cabdirixmaan Xaaji Cusmaan Cuuke, Wasiirka Garsoorka Iyo Arimaha Diinta.

2- Cabi Yuusuf Xasan Warsame, Wasiirka Arimaha Guydaha Iyo Amniga.

3- Xarbi Cali Kulane, Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga Ah.

4- Xasan Faarax Bare, Wasiirka Arimaha Fedralka iyo dIb Uheshiisiinta.

5- Xareed Cali Xareed, Wasiirka Kheyraadka.

6- Maxamed Cabdulqaadir Xaashi Dholodholo, Wasiirka Waxbarashada.

7- Maxamed Adam Qalabxoor, Wasiirka Kaluumeysiga Iyo Dekedaha.

8- Xasan Maxamed Siciid Gacaliye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

9- Axmed Shariif Cumar, Wasiirka Caafimaadka.

10- Axmed Maxamuud Arexeey, Wasiirka Wasiirka Sportiga Shaqada Iyo Shaqalaha.

11 Xasan Cabulqaadir Xasan Wasiirka Warfaafinta B iyo Is Gaarsiinta

12- Xasan Xaashi Warsame, Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Dib Udhiska.

6-dii bishaan April 2014 ayuu madaxweynaha maamulka Galmudug kala diray golihii hore ee wasiirrada maamulkaas, kadib markii uu ku eedeyey iney gudan waayeen waajibaadkii shaqo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!