Madaxweynaha la hareereeyey ee Yemen oo wax badan u ogolaaday Jabahadda Xuuthiyiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha la hareereeyey ee Yemen oo wax badan u ogolaaday Jabahadda Xuuthiyiinta

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdirabi Haddi Mansur ayaa sheegay inuu heshiis la gaaray Kooxda Xuuthiyiinta ah ee qabsaday inta badan xarrumaha dowladda ee magaalada caasimadda ah ee Sanca.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka Yemen, ayaa lagu sheegay in la gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka magaalada Sanca.

Heshiiska ayaa waxbadan u ogolaanaya jabhadda Xuutiyiinta ee qabsatay madaxtooyada Sanca, isla markaana go’doomiyay guriga madaxweynaha dalkaasi.

Shalay oo dhan, shacabka Yemen ayaa sugayay in ay maqlaan war ku saabsan madaxweynahooda, oo wararka qaar ay sheegayaan in maxbuus ku yahay gurgiisa.

Xuutiyiinta ayaa ku adkeystay dalabkooda, Mareykankuna waxa ay ku adkeysteen taageerada uu u hayo madaxweyne Haadi, halka dalalka gacanka Carbeedna ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta in ay sameeyeen afgembi.

Qoraal kasoo baxay madaxweyne Cabdirabi Haddi ayaa muujinaya in uu waxbadan u ogolaaday Xuutiyiinta, kadib markii ay go’doon geliyeen, lana wareegeen madaxtooyada.

Waxa ay heli donaan matelaad weyn oo ay ku yeelanayaan dhammaan siyaasadda dalkaasi, waxaana sidoo kale isbedel lagu sameyn doonaa dastuurka ay diidan yihiin.

Taa bedelkeeda, Xuutiyiinta ayaa sii deyn doona kaaliye sare oo uu leeyahay madaxweyne Abdurabbuh Mansuur Haadi.

Madaxweyne Haadi ayaa magac ahaan u muuqda kan tallada haya, balse waxaa maamulka haya Xuutiyiinta.

Jabhadda Xuuthiyiinta ayaa ah Jabhad Shiico ah oo ka shidaal qaadata dalka Iran, waxeyna dooneysaa iney la wareegto maamulka dalka Yemen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!