Juba, Mareeg.com: Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ku dhawaaqay in la fashiliyey isku day afgembi oo sida uu yiri ay isku dayeen rag isaga siyaasadda uga soo horjeeda.
Madaxweyne Salva Kiir Mayardit oo shir jaraa’id ku qaabtay caasimadda Koonfruta Sudan ee Juba isagoo xiran dharka ciidamada ayaa sheegay in dagaallo saacado qaatay kadib la fashilyey Afgembi uu isku dayey mid ka mid ah raga la loolamaya oo aha madaxweyne ku xigeen hore.
“Waxaa jiray isku day afgebmi, waxaana idinku wargelinayaa in ciidamada amaaanku si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan magaalada Juba” ayuu yiri madaxweyne Slva Kiir.
Wuxuu sheegay madaxweynuhu in raggii isku dayey afgembiga laga adkaaday, islamarkaana la kala ceyriyey, oo ay ciidamadu ku raad jogaan sida uu yiri.
Salva Kiir ayaa sheegay in koox taageersan madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar ay weerar ku qaadeen xarrunta hogaanka milateriga oo ku dhow Jaamacadda Juba, hase ahaatee kooxdaas laga hortegay oo la kala ceyriyey.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa ku dhawaaqay bandow ka bilaabanaya galabta oo Isniin, islamarkaana soconaya ilaa 12 saacadood, kaasoo lagu soo rogay magaalada caasimadda ee JUBA.
Ciidamada xalay ilaa saaka ku dagaallmaya magaalada Juba ayaa qeyb ka mid ah kasoo jeedaan beesha Nuer oo uu kazoo jeedo Riek Machar oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore oo xilka laga qaaday, halka qeybta kale kazoo jeedaan beesha Aldnga oo uu kazoo jeedo madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.
Labada beelood ee Nuer iyo Aldnga ayaa waxaa ka dhaxeeya taariikh dheer oo colaadeed, waxaana beesha Nuer ku eedeysaa beesha madaxweynuhu kazoo jeedo ee Aldnga iney dhulka qabsatay.
Mareeg.com