Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmey Wakiilka IGAD ee Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmey Wakiilka IGAD ee Somalia

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo weli ku sugan Nairobi ayaa kulan la Qaatay Ambassador Mohamed Ali Guyo, IGAD Special Envoy for the Red Sea, Gulf of Aden and Somalia.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Madaxda kasocotay IGAD Waxay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka Dib u heshiisinta iyo Sidii tababar ay u siin lahayeen Guddiyada Doorashooyinka Maadama Koonfur Galbeed ay Doorasho kusoo Wajahan tahay Dhawaan.

Safiirka IGAD Mohamed Ali Guyo ayaa Amaanay Dib u heshiisinta Madaxweynaha Ka sameyey Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed ee udhaxeeyey Beelaha Walaalaha Dega Degmooyinka oo Khilaaf ka Jiray Waxayna Ku Booriyeen Inuu si Laba Jibaaro Dib Uheshiisinta oo Dowladiisa Guulo Lataaban Karo ka Samaysay Si Bulshada ay u helaan Wadanoolasho Walaalnimo.

Waxayna Ku bogaadiyeen Sida uu u dhex galay Bulshada ku dhaqan Degmooyinka Goboladda Deegaanadda KGS mudadii yareed ee lasoo Dhaafay Madaxweynaha Ayey ku amaaneen shaqsi ay ku Weyn tahay Soomaali Nimada Jecel Dadkiisa iyo Deegaanadiisa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!