
Read Time:24 Second
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa goor dhow Gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Ganacsiga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdiga oo ka degay Garoonka macmalka diyaaradaha ee Ceel Jaale ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka degmada Marka,iyaga oo safar dhinaca dhulka ku galay Magaalada Marka.
Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaadan doonaa Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka.