Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magalada Garoowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magalada Garoowe

Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa Goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen)

Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Maanta tegay Garoowe ayaa qeyb ka ah Madax ka socota dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo berri Shir Wadatashi ah uu uga furmayo Magalada Garoowe.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa sidoo kale la filayaa in Magalada Garoowe uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madax ka tirsan Dowlad Goboleedyada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More