Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Gaaray Degmada Xudur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Gaaray Degmada Xudur

( Mareeg)-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ee Maamulka Gobolka Bakool Mustaf Aadan Xuseen ayaa waxa uu ka warbixiyay safar ay Magaaladaasi ku gaareen wafdi uu horkacayo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan  wuxuuna ku tilmaamay u jeedka booqashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee halkaas u kuur galida xaaladda guud ee ka jirta Gobolka Bakool.

Isagoo sii hadlayay guddoomiye ku xigeenka degmada Xudur ayaa waxa uu qeexay in Madaxweyne Shariif Xasan uu halkaas kulamo kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada kaas oo ku qotomay maamul dhawaan looga dhawaaqay Gobolka Bakool wuxuuna xusay in Odayaasha aysan aqoonsaneen maamulka la Magac baxay Bakool Sare , shaqsiyaadka soo abaabulayna ay yihiin kuwa colaad ka hurinaya Gobolkaas.

Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ee Maamulka Gobolka Bakool Mustaf Aadan Xuseen ayaa xusay in sidoo kale Saraakiisha AMISOM ee Xudur ku sugan gaar ahaan kuwa Ethiopia kulan uu la yeeshay Shariif Xasan  in ay kaga hadleen xaqiijinta ammaanka iyo dar dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya safarro kala duwan ku bixiyeen deegaanno iyo degmooyin hoostaga Gobolka Bakool si ay ugu kuur galaan xaaladda halkaas ka jirta iyagoo dadka halkaas ku dhaqanna kala hadlay arrimo ku saabsan midninimadooda.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!