Madaxweynaha Kenya: Waxaa la doonayaa in dhulkeena laga dhiso Khalaafo Islaami ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Kenya: Waxaa la doonayaa in dhulkeena laga dhiso Khalaafo Islaami ah

Mareeg.com: Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa badalay wasiirkiisa amniga gudaha, Joseph Ole Lenku, isagoo ku badalay Major General Joseph Nkaisery, kadib markii xalay Alshabaab 36 oo Kenyaan aan Muslim aheyn ku dileen deegaanka Mandheera.

Kenya_minister_police_chief_624x351_afp

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale aqbalay iscasiladda taliyaha Police-ka Kenya, David Kimaiyo. Labadan nin waxaa maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayey iney is casili doonaan.

Go’aanka ayaa waxaa sheegay madaxweyne Uhuru Kenyatta intii uu ku jiray qodbad Tv-ga uu ka jeedinayay. Wuxuu sheegay inuu aqbalay shaqo ka fariisiga taliyaha Policeka, David Kimaiyo.

Madaxweynaha waxa uu ku tilmaamay kuwa weerarka Mandheera qaaday oo toogtay ama madaxa ka jaray kuwa aan Muslimiinta aheyn inay yihiin xayawaano waalan.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in kooxaha dadkaas laayey doonayaan iney deegaanka ka dhisaan Khalaafo Islaami ah.

Wuxuu ku booriyay Kenyanka inay ku midoobaan wax uu ugu yeeray dagaalka Alshabaab looga horjeedo.

Toban maalmood ka hor ayey Al-shabaab dileen 28 rakaab aan Muslimiin aheyn kaddib markii ay afduubteen bas isla goobtaas Kenya ku taal taas oo u dhaw xadka Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!