Madaxweynaha Kenya oo sagootiyey Danjire Maxamed Cali Ameeriko * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Kenya oo sagootiyey Danjire Maxamed Cali Ameeriko

Mareeg.com: Danjirihii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhin jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Americo ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta.

Kulankan oo ahaa mid sagootin ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya, Amina Maxamed Jibriil iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan dawladda Kenya.

11059702_1052959098065976_2067012124623462183_n

Kulankani oo ka dhacay madaxtooyada Kenya ayaa danjirihii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya waxa uu uga mahadceliyey Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo wasaaradda Arrimaha dibada Kenya sidii ay u wada shaqayeen iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada wadan.

Madaxwyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa isna uga mahadnaqay danjire Americo mudadii dheereed ee uu xilka hayay sidii wanaagsaneyd ee uu uga shaqeeyey hagaajinta xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Danjire Americo ayaa dhanka kale ugu baaqay danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Soomaaliya u  magacowday dalka Kenya in uu meesheeda ka sii wado hagaajinta xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayaa dowladda Soomaaliya xilka ka qaadday danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) iyadoo lagu badelay danjire cusub oo lagu magacaabo Jamal Xasan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!