Madaxweynaha Kenya oo raba xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Kenya oo raba xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Nairobi – Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay Alshabaab ku qaadeen xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, aynsa ku dhinteen ku dhawad 20 ruux oo isugu jiray Alshabaab, askar iyo saraakiil dowladeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maanta xafiiska madaxweynaha dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay kasoo horjeedaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya, waxaana ay caalamka ugu baaqay caalamka inay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii labo maalin ka hor ka dhacay Villa Soomaaliya, weerarkaasi oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab waa in la xoojiyaa” ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarkii jimcaha waxaana afhayeenka guud ee Alshabaab uu sheegay inay doonayeen inay ku dilaan madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!