Madaxweynaha Kenya oo arbacada hortegaya maxkamada ICC * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Kenya oo arbacada hortegaya maxkamada ICC

Mareeg.com: Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu tegi doono maxkamadda dambiyada adduunka, kaddib markii garsoorayaasha ay ka codsadeen inuu hor yimaada.

Waxaa laga doonayaa inuu hortego maxkamadda 8 October, oo ah Arbacada nagu soo aaddan.

Uhru Kenyatta ayaa loo haystaa dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay ee xigay doorashoyinkii 2007-da.

Madaxweyne Kenyatta ayaa loo haystaa in uu abaabulay dilal xasuuq ah oo ay ku dhinteen illaa iyo 1,200 00 ruux Balse madaxweyne Uhuru waa uu beeniyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Waxaa uu sheegay inuu xilka madaxweynaha ku wareejin doono ku xigeenkiisa, William Ruto, muddada uu ku maqan yahay maxkamadda.

Dhagaysiga 8-da Oktobar dacwada loo haysto Kenyatta ayaa waqti rasmi ah u qaban doonto xilliga maxkamadayntiisa ay si rasmi ah u bilaabanayso. Maxkamada ICC ayaa u yeertay Kenyatta si uu sharaxaad ugaga bixiyo eedeymaha loo soo jeediyay balse aan cadeymihii dib loogala noqday.

Maxkamada ayaa dib u dhigtay bishii September qaadista dacwada kadib markii dambi soo oogayaasha ay sheegeen in dowlada Kenya ay diiday inay soo gudbiso dukuminto muhiim ah isla markaana dadkii marqaatiyada ahaa ay dib ugaga noqdeen dacwada.

Hadii madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta hortago maxkamadda ICC waxey noqon doontaa markii ugu horreysay ee madaxweyne xil haya uu hortago maxkamadaas iyadoo loo heysto dambiyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!