Madaxweynaha Kenya oo amray in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Kenya oo amray in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida

Mareeg.com: Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku amray Bangiga Dhexe ee dalkiisa inuu qaado xayiraadda saaran shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, balse marka hore waa inuu Bangiga Dhexe sameeyaa xeer hadda kaddib lagu hagi doono howlaha adeegyada xawaaladaha.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa qoraal uu ugu hambalyeynayay Muslimiinta dalka ku nool billaabashada bisha barakaysan ee Ramadan, ku sheegay in la soo gaarsiiyay codsi ku saabsan qaadista xayiraadda saaran 13 xawaalad oo albaabbada la isugu dhuftay bishii April.

Xawaaladaha ayaa la xiray kaddib weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa, oo ay ku dishay dad ku dhow 150 qof oo arday u badnaa.

Hase yeeshee, lama bixin xilli cayiman ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta loo ogolaanayo shirkadaha xawaaladaha inay dib u howlgalaan.

Hay’adaha gargaarka bini’aadannimo ayaa dhaleeceeyay xiritaanka adeegyada xawaaladaha, iyagoo ka digay inuu saamayn ba’an ku yeelanayo dad badan oo ku tiirsan lacagta looga soo diro dibadda.

Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in xiritaanka adeegyada xawaaladaha uu khalkhal galiyay howlahooda, iyadoo dhanka kalana dhibaato ku noqotay Soomaali farabadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.