Madaxweynaha Kenya: Ma Aqbaleyno In Goobaha Cibaadada Loo Adeegsado Xagjirnimo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Kenya: Ma Aqbaleyno In Goobaha Cibaadada Loo Adeegsado Xagjirnimo

Nairobi – Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin xarumaha lagu cibaadeysto loo isticmaalo in dhallinyarada lagu baro asal-raacnimada xagga diinta ah.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ka dambeeyay kaddib markii todobaadkii lasoo dhaafay ay rabashado ka dhaceen masjid lagu magacaabo Musa oo ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasoo ay degan yihiin Muslimiin.

Shalay oo Jimco ahayd ayey masjidka Musa ee magaalada Mombasa ay dib uga soo cusboonaadeen isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada booliska iyo qaar ka tirsan dadka ku cibaadeysta masjidka.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Kenya oo ay ku jiraan macbadyada Hinduuga, masaajidda Muslimiinta iyo kaniisadaha Kirishtaanka in loo isticmaalo goobo asal-raacnimo oo halis lagu geliyo nolosha dadka Kenyaanka ah.

Iska hor imaadyo toddobaadkii hore booliska Kenya iyo koox dhallinyaro ah ku dhexmaray masjidka Musa ee Mombasa ayaa waxaa ku dhintay 2 qof, wuxuuna boolisku qabtay 100 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Booliska Kenya ayaa garaac iyo xarig kula kacay dhallinyaro farabadan oo Muslimiin ah, kuwaasoo ku sugnaa Masjidka Musa ee Mombasa, kuwaasoo dowladda Kenya leedahay waxey xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More