Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku tegeyo magaalada Garbahaareyiyo khilaaf ka taan

Read Time:45 Second

Waxaa soo baxaya  khilaaf ka dhex jira dowlad goboleedka Jubba iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo taasoo ah booqasho la filayo in dhowaan uu ku tego magaalada Garbahaarey Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Guddoomiye ku xigeenka Jubbaland  Cismaan Nuur Xaaji ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland inuusan waxba u qaban muddo siddeed sano ah oo uu xilka hayay ayna oggoleyn inuu yimaado magaalada Garbahaarey.

Cismaan Nuur Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu la dagaalay dowlada sharciga ahayd ee federalka.

“Wiil haddii aabihii uu ku caasiyay isagana waxaa ku caasiyana wiilka uu dhalay.”ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji.

Banaanbax loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey iyadoo banaanbaxaana uu ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Hore ayaa sidan oo kale waxaa qaar ka mid ah maamulka gobolka Gedo ay ugaga soo horjeesteen booqasho ay wasiiro ku yimaadeen magaalada Garbahaarey.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %