Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe: AMISOM halaga saaro Dalka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe: AMISOM halaga saaro Dalka Soomaaliya

Kismaayo (Mareeg) Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta ka soo laabtay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa waxuu gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa ka dalbaday Madaxda Dowladda Soomaaliya in amniga Xaumaha Dowladda lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM aanu haatan waxba looga baahneyn, islamarkaana la joogo xiligii ay dib ugu laaban la haayeen Dalalkooda.

Madaxwyanah Jubaland ayaa tibaaxay in boqolaal kun oo doolar lagu bixiyo Howlgalka AMISOM, isagoona ku tilmaamay howlgalkaasi mid aanu waxba ka badalin Xaalada Dalka Soomaaliya, Qaraxyadiina ay weli dhacayaan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Madoobe  ayaa carabka ku dhuftay in Madaxda Dowladda looga baahan yahay in amniga Dalka ay ku wareejiyeen Ciidamada Xooga Dalka, waxuuna qeexay in Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ay mudan yihiin in ay helaan lacagahaasi faraha badan ee la siinayo AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!