Nairobi, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka Hadley khilaafaadka markasta soo kala dhex gala madaxweynayaasha iyo R/wasaareyaasha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlayey VOA ayaa sheegay inaan si dhab ah loo garan Karin sababta inta soo celcelisa khilaafka madaxweynaha iyo R/wasaraaha dalka Soomaaliya, taasoo soo bilaabatay tan iyo markii dalka Jabuuti lagu dhisay xukuumaddii KMG aheyd ee C/qaasim hogaaminayey.
Madaxweyne Geelle wuxuu soo jeediyey in dib loogu laabto Dastuurka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in laga yaabo in culeysku ka jiro hab dhsimeedka dastuurka dalka.
“Sababta khilaafka anigu ma garanayo, ma dastuuurka ayaan ahayn mid saxan oo si cad u qeexaya awoodaha uu mas’uul walba leeyahay, ma dad doonaya inay ka faa’iideystaan oo ay balaayo dhex-dhigaan madaxweyne walba iyo ruuxa uu u doorto ra’iisul wasaaraha ayaa jira, balse, anigu waxaan soo jeedinayaa in dib loogu laabto hab dhismeedka dastuurka,” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Gelle.
Madaxweyne Geelle wuxuu nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya ku tilmaamay sun lasoo dhex dhigay umadda Soomaaliyeed, taasoo keentay in beeluhu u kala tartamaan maamul goboleedyo.
“Qorshaha federaalka waa sun Soomaalida la geliyay oo aan hadda laga kari karin iska daaya, waxaadna arkaysaa dowlad-goboleed iyo maamul-goboleed la isku dhinac wado, mana qabo in qabiil iyo Qaran ay meel wada-geli karaan,” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.
Marar badan ayey soo laabteen khilaafaadka ka dhex dhasha madaxweynayaasha Soomaaliya iyo R/wasarayaaasha, weyna yaraayeen madaxweyne iyo R/wasaare aan is khilaafin wixii ka dambeeyey sanadkii 2000.
Mareeg.com