Madaxweynaha Jabuuti oo ku sigtay dil & dhaqtarkiisa oo dhaawacmay

Read Time:1 Minute, 1 Second

Mareeg.com: Wararka ka imanaya Jamhuuriyadda Djibouti ayaa sheegaya in shalay galab toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu garoonka kazoo degayey Madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir ayaa VOA u sheegay in madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor toogashada.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka ilaalada Jamhuuriga oo ah ciidanka qaabilsan ammaanka iyo nabadgaliyada Madaxweynaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidankaasi uu rasaas furay, isaga oo dhaawacay laba qof.

Mid ka mid ah labada qof ee dhaawacmay ayaa ah Dr. Idiris Cabdi Galab oo isagu ah sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada Jamhuuriga ah isla markaana qaabilsan caafimaadka Madaxweynaha.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti ayaa VOA da u sheegay in sababta toogashadu ay u muuqato khilaaf gaar ah oo u dhexeeyay askariga rasaasta riday iyo Dhakhtarka dhaawacmay.

Warar kale ayaa sheegay in askarigan uu rasaasta furay xili uu Madaxweyne Geelle ku dul soconayey Rooga casaanka ah ee madaxdu ku socdaan xiliyada Garoomada.

Dalka Djibouti waxaa ka jira mucaaradad xoogan oo ka soo horjeeda xukuumada Madaxweyne Geelle iyagoo ku eedeeyey in uu yahay kaligiis taliye waxna ka bedela shuruucda dalka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %