Madaxweynaha Jabuuti oo fashiliyay u jeedka imaartka ka leeyihiin soomaaliya.

Read Time:49 Second

Jabuuti ( mareeg news ) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa  ku eedeeyay wadanka Imaaraadka Carabta in aysan dooneyn in ay arkaan dekedo kale oo furma isla markaana horumar sameynaya.

Ismaacil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti oo wareysi siiyay maanta laanta afka Soomaaliga  ee idaacada BBC-da ayaa ku sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan Dekeda Dooraale, ayna arkeen shirkadda DP World aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Dubai waxa ay ku jirtaa god khaliijka dhexdisa ah Jabuutina waxa ay ku jirtaa badda horteeda waxayna damceen inay ilaaliyaan kuwooga oo aysan arag deked kale oo hormur samaysa ayuu yiri  Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xusay in isagoo ilaalinaya rabitaanka shacabkiisa iyo dastuurka dalkiisa uu ku baabi’iyay heshiiskii ay hore ula galeen shirkadda DP World.

Shirkadda DP World ayaa heshiis muddo dheer soconaya waxa ay la galeen xukuumada Jabuuti iyagoo lagu heshiiyay in dekeda Dooraale ay noqoto deked ay ka soo xiran karaan maraakiib  wada kontaynaro waaweyn.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %