Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku tagay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku tagay Muqdisho

Mareeg.com: Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin ayaa soo dhaweeyey madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhagax dhigi doono xarunta Akadeemiyad goboleedka afka Soomaaliga oo xaruntiisa noqon doonto magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qeyb geli doonaa Munaasabada Maalinta Afka hooyo oo ka dhaceysa Hotelka City Palace.

Amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo shalay uu magaalada ka dhacay qarax dad badan lagu laayey oo ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!