Baydhabo – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta la kulmay siyaasiyiin iyo odayaal ka kala socda maamullada dhawaan magaaladaas looga dhawaaqay.
Kulamada manta dhacay waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa markii hore la kulmay odayaasha taageersan maamulka 6-da gobolk ee Madoobe Nuunow hogaamiyo.
Markaas kadib ayaa madaxda dowladdu waxey kulan la galeen odayaasha taageersan maamulka 3-da gobo lee uu madaxda u yahay Maxamed C/nuur.
Kulamada oo ah mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa wuxuu ka dhacay xerada 60-aad oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo ay deggen yihiin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dadweyne reer Baydhabo ayaa waxay tuban yihiin illinka hore halka ay shirarku ka socdaan, kuwaa oo sugaya natiijada kasoo baxda kulankan ay albaabbadu u xiran yihiin.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isku dayaya inay xal ka gaaraan muranka maamul-sameynta ee waayadan Baydhabo ka jiray, balse lama oga in kulanka la isku fahmi doono iyo in kale.
Warar ku dhow dhow kulankaas ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu u cadeeyay labada maamul in aanay dowladda aqoonsaneyn, isla markaana wixii hada ka dambeeya la mideynayo labada dhinac si maamul Koofur galbeed loo dhan yahay loo sameeyo.
Ilaa iyo hadda sooma bixin natiijo kama dambeys ah oo kazoo baxday kulamada madaxda dowladda Soomaaliya la yeelanayaan dhinacyada isku haya Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowr todobaad ka taagnaa khilaaf ka dhashay qaabka maamul u sameynta koonfur galbeed Soomaaliya, iyadoo ay la isla barbar ordayo maamul 6 gobol ah iyo maamul 3 gobol ah.
Mareeg Media