Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida oo Addis Ababa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida oo Addis Ababa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Soo dhoweyntan oo aheyd mid heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somali State Mustafa Cagjar ayaa wada hadlay arrimaha ammaanka, horumarada iyo dadaalada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dadaalada nabadda iyo is bedelka ka socda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagay Addis Ababa ka qeyb galka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo lagu wado in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin is bedelka Geeska afrika iyo dib uga mid noqoshada ururka ee dowladda Eritrea.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!