
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta dib ugu laabtay xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii uu toddobaadyadii la soo dhaafay uu booqasho ku joogay magaalada Muqdisho iyo wadanka Jabuuti.Madaxweyne ku xigeenka hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Wasiiro,Wasiir ku xigeeno,Xildhibaano,Maamulka gobolka Sh/dhexe kan degmada Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabelle garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa booqashada uu ku tegey dalka Jabuuti waxa uu kulamo kula soo yeeshaay madaxda dalkaas iyadoo ciidamo ka socda wadanka Jabuti ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah degmooyinka uu hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxa uu ka soo qeybgalay madax ka tirsan dowlada Federalka isagoo uga qeybgalay shirka Amniga Qaranka.
Madaxweyne Waare ayaa markale ku celiyay in caalamka wax u qabto shacabka Hirshabelle gaar ahaan deegaanada ay biyo la’aanta ka jirto ee hareeraha wabiga Shabelle.
Wabiga Shabelle ayaa guray iyadoo kumanaan qoys oo ku nool deegaanadaa ay soo wajahday biyo la’aan waxaana ka dilaacay deegaanadaas cudurka shuban biyoodka.