Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Maaliyadda Maamulkaasi
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Maaliyadda maamulka Hirshabeelle waxaana sidoo kale uu magacaabay Madaxweynaha Wasiir cusub.
Wasiirka xilka laga qaaday oo lagu Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay howlihii horumarinta Maaliyadda maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana u magacaabay Zaki Cabdi Xaraare oo uu sheegay in uu aqoon u leeyihiin horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne Cosoble ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Wasiiradaha ay si buuxda u gutaan shaqadooda.
Comments are closed.