madaxweynaha Hirshabeele oo si lama filaan ah uga hadalay Dakadaha Itoobiya Maalgashaneyso….

Read Time:1 Minute, 1 Second

Muqdisho ( mareeg News ) Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhoweeyay heshiiska maalgashiga Afarta Dekedood ee ay Sabtidii la soo dhaafay ay Muqdisho ku wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu Hirshabeelle u yahay dano aad u weyn iyo horumar mustaqbalka, maadaama ay xuduud la leeyihiin Itoobiya.

“Annaga Hirshabeelle haddaan nahay aad ayaa u soo dhoweyneynaa in xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haddii heshiiskaas laga mira dhaliyo uu waa cusub u baryayo Geeska Afrika, isagoo xusay inuu aaminsan yahay in heshiiska afarta Dekadood inay Dekeda Cadale noqoto tan ugu horeysa.

“Waxaa aaminsanahay in Dekeda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO.

https://youtu.be/FBxCIMTMTho

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.