Madaxweynaha Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf ugu sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Wafuud kala duwan oo ka kala socday Puntland Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabadi Umal.
Munaasabadaan Casho Sharafta ahayd Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusmaan Barre iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaan, Xubnaha labada Gole ee DG HirShabeelle Maamulka Gobolka Hiiraan Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Beledweyne.
Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa u Mahad Celiyay Dhamaan Dadka Somaliyeed oo Si aan kala har lahayn ugu soo gurmaday Dadka Reer Beledweyne oo ay saameeyeen Fatahaadii Wabiga Shabeelle.
Read More
Comments are closed.