Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah la yeeshay James Swan

Read Time:45 Second

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Madoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Wakiil James Swan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada ka dhacaya Soomaaliya bilowga sandkaan 2021 sida uu qorshahu yahay.

Kulanka ayaa waxaa siida lagu saaray sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka Qaranka iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka heshiikii Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wakiilka Qaramada Madoobey uu Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ka cosaday in la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadal.

James Swan ayaa horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay Shir wadatashi isugu yimaadan si xal buuxa looga gaaro khilaafka doorashada dalka, wallow arrintaas aan weli la fulin.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %