
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo saacadihii u dambeeyay laga dhowrayay inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada ayaa kama dambeys caawa fiidkii ku dhawaaqay.
Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Guuleed ayaa ka kooban 24-Wasiir, 24 Wasiir kuxigeen iyo afar Wasiiru dowlayaal, waxaana la filayaa inuu soo dhameystiro maalmaha soo socda xubnaha u harsan.
Xubnaha uu soo magacaabay waxaa ka mid ah Ahlusuna oo maalinimadii shalay xubno ka mid ah heshiis awood qeybsi ah la galay Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Guuleed ayaa horay uga dhamaatay muddo 45 cisho ahaa, waxaana todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug ay ugu kordhiyeen 15 maalmood dheeraad ah.
Halkan hoose ka akhriso Magacyada Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug:-